Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan Gaar ah La qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Masar.

0
19

Axad 06, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyada oo uu goobjoog ka ahaa kulanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada militeriga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu hormarin karo wada-shaqeynta danaha labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here