Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheeegay in Wasaarada Maaliyada ay ku dadaaleyso in bilaha soo socdo ay joogteyso bixinta Mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha Dowlada oo bilihii dambe ay qeylo dhaan ka soo yeereysay.
Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Daruufo iyo culeysyo badan oo heysta Wasaarada Maaliyada isla markaana ay isbedel keeneyso bilaha Soo socda.
Afartii bilood ee lasoo dhaafay Shaqaalaha Dowladda iyo ciidamada ma aysan helin wax mushaaraad ah, iyadoo iminka lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo shaqaalaha ay u baahan yihiin tasiilaad.
Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ka sheegay ka dib marki u hor tagay Baarlamaanka Soomaaliya.
