fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Wasaaradda Soomaaliya oo isbitaalka ku booqday Hooyo Soomaaliyeed oo...

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Wasaaradda Soomaaliya oo isbitaalka ku booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey Isbitaalka Banaadir.

Jimco 31 March 2023 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

 

Wasiirka ayaa gaarey durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Caruurteeda isagoona warbixin ku saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayey Hooyada iyo Caruurteeda.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.

 

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa hormarinta Caafimaadka iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla markaana gaara goob kasta.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

WAR DEG DEG AH :Ganacsade Goordhow lagu Dilay Magaalada Baladweyne

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Allaha unaxariistee waxaa Goordhow Magaalada Baladweyne lagu Dilay Ganacsadi Xasan Xaaji Daahir oo Kamid Ahaa Ganacastada Magaalada Baladweyne.Ganacsadaha la dilay ayaa Mudooyinkii dambo...