Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

0
434

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi gaareen Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Raxmaan Odawaa.

Wafdigan gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa horey ugu sugnaa Magaalada Garawe , waxaana xalinta xiisada colaadeed ee Magaalada Gaalkacyo ka taagan u magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Masuuliyiinta kale ayaa xalay ku howday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay maamusho Puntiland, waxa ayna halkaasi kulamo kula qaateen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Puntiland ay kala hadleen sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa Wafdigan Dowlada Soomaaliya kasocda ee Gaalkacyo ku sugan in ay gaaraan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayna halkaasi wadahadlo kula yeeshaan Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Maamulka Galmudug.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaalo badan ku bixineysa in colaada kasoo cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo lagu dhameeyo wadahadal lana joojiyo dagaalka halkaasi wali ka socda, waxaana horey u fashilmay dadaalo nabadeed ay wadeen waxgaradka iyo Culumada kunool Magaalada Gaalkacyo.

SHARE