Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWax waliba oo aad ugu baahan tahay kulanka Champions league ee Arsenal...
Array

Wax waliba oo aad ugu baahan tahay kulanka Champions league ee Arsenal vs Olympiakos

 Daafaca Germany ee Arsenal Per Mertesacker ayaa ku kalsoon Gunners inay gaari doonto caawa guusheedii ugu horreysay Champions league.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Arsenal vs Olympiakos

Garoonka:  Emirates Stadium

Garsooraha: Bas Nijhuis

Saacadda: 9:45 habeenimo

Maalinta: Talaado

Taariikhda: September 29, 2015

Arsenal waxaa dhaawac ay ku weyneysaa Danny walback iyo Wilshere, halka Francis Coquelin shaki uu ku jiro caawa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Arsenal iyo Olympiakos ayaa isaga horyimid wareeggaan guruubyada Champions League afar jeer todobadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

>- Dhammaan lix kulan oo ay horay ugu kulmeen Champions League, mar kasta waxaa badinaysay kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo.

>- Olympiakos ayaa laga badiyey dhammaan 12 kulan oo ay bannaanka kula soo ciyaartay kooxaha England tartanka Yurub, kaliya saddex gool ayey dhaliyeen, waxaana laga dhaliyey 37 gool.

>- Arsenal ayaa laga badiyey shan ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay Champions League, kaliya hal kulan ayaa laga badiyey 39 kulan oo ay horay ugu ciyaareen garoonkooda.

>- Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso saddex ka mid ah 29-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League.

>- Arsenal ayaa ka gudbaysay wareegga guruubyada Champions League 12-kii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, laakiin marnaba kama aysan gudbin wareegga 16-ka tartankan shantii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

>- Olympiakos ayaa laga badiyey 50 kulan oo Champions League, kaliya FC Porto ayaa ka badan oo 51 kulan looga badiyey tartankan.

>- Olympiakos ayaa sameysay shuudadka ugu badan ee bartimaameed kulankii furitaanka, taasoo ka badan kooxaha kale waana 3.

>- Theo Walcott ayaa ku guuldarreystay inuu gool dhalin waayo siddeedii kulan ee ugu dambeeyey Champions League oo uu ku ciyaaray garoonka Emirates, goolkiisii ugu dambeeyey oo uu ku dhaliyo garoonkan waxa uu ahaa December sanadkii 2010-kii, waxaana uu ka dhaliyey Partizan Belgrade.

Arsenal-vs-Olympiakos-Betting-Odds

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY