Monday, June 5, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXadgubya ka dhacay Burundi Iyo Muranka Siyasadeed OO Sameyay Shacabka
Array

Xadgubya ka dhacay Burundi Iyo Muranka Siyasadeed OO Sameyay Shacabka

Warbaahinta BBC-da ayaa dalka Burundi ku aragtay caddeymo muujinaya weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah kuwa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen afgembigii dhicisoobay ee isbuucii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

Isbitaal ku yaalla magaaalada Bujumbura halkaasi oo lagu dawaynayay ciidamdo dhaawac ah oo ku lug lahaa afgembiga ayaa waxaa weeraray booliska.

Boolisku waxa ay la tageen afar kamid ah askarta dhaawaca ee lagu dawaynayay isbitaalkaasi.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza wuxuu ku baaqay in la soo afjaro banaanbaxyada, oo uu la xiriiriyey afgambigii la isku dayey.

Qabanqaabiyeyaasha dibadbaxyada ayaa beeniyay in ay wax xiriir ah la leeyihiin inqilaabka, waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada.

 

MUQAALADA

TOOS U DHAGEYSO IDAACADA HIIRAANWEYN

WARARKA