Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAXarakada Al-shabaab oo hadal ka jeedisay gudaha Kenya

Xarakada Al-shabaab oo hadal ka jeedisay gudaha Kenya

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in ku dhowaad 100 dagaalyahan oo Al-shabaab ah ay aroornimadii Axada galeen tuulada Basuba ee ka tirsan Lamu, halkaasi oo muddo saacad ka badan ay ugu khudbeynayeen dadka deegaanka.

Dagaalyahannada ayaa dadka deegaanka ay uga digeen in raacaan gawaarida dowladda, ayagoo ugu hanjabay in ay ciqaab adag marinayaan haddii ay warkooda u gudbiyaan laamaha ammaanka Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay on in afar qof oo caddaan ah ay ka mid ahaayeen dagaalyahannada tuulada soo galay.

Kusimaha taliyaha booliska Kenya Robert Kitur ayaa xaqiijiyay arrintaasi.

Waa markii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah oo ay Al-shabaab galaan deegaankaasi, ayagoo bishii June tuulada Mangai ay muddo 3 saac ah ugu khudbaynayeen dadka halkaa ku nool.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegaa in ay xarumo ku dhex leeyihiin keymaha Boni ee Lamu.

al shabab

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...