Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAXarakada Shabaab oo dib uga baxay Degmada Wanlaweyn, kolkii ay qabsadeen

Xarakada Shabaab oo dib uga baxay Degmada Wanlaweyn, kolkii ay qabsadeen

Wararka ka imanaya degmada Wanalaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay la wareegeen degmada Wanlaweyn oo magaalada Muqdisho u jirta 90km.

Al Shabaab dagaal kulama aysan wareegin Magaalada Wanlaweyn, ciidankii Dowladda oo halkaasi ku sugnaa ayaa ka baxay, kadibna Shabaabka waa ay qabsadeen Magaaladaan xalay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Shabaab kolkii dambe xalay ay isaga baxeen Magaalada Wanlaweyn, markii ay saacado haysteen.
Xoogaga Al Shabaab, ayaa si iskood ah kaga baxay Degmadasi Wanlaweyn, ka dib muddo saacado ah oo ay haysteen. Mudadii ay haysteen waxay Masaajida kula hadleen bulshada halkaasi ku dhaqan.

Amiiro Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa waxay digniin adag u jeediyen bulshada reer Wanlaweyn, iyagoona kaga digay wada shaqayn ay la yeeshaan Ciidanka Militariga Somaliya

walaweyn

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...