Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa ka qaybgalay Munaasabad lagu furaayay xarun cusub oo ay ku shaqeynayaan ciidamada Booliska qaybta Miino Baarista.
Xaruntaan ayaa loogu talo galay inay ciidankaasi degaan oo ay ku howgalaan.
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay muhiim inay u tahay ciidamada Booliska Somaliyed Qaybta Miino Baarista.
“Kooxdan waa kooxda aan is dhihi karo kooxda ugu horeyso ee Booliska Soomaaliyeed oo saddexdii qodob ee aas aasiga ahaa isku heysata, waxaana rajeyneynaa in maalinba qeyb ka mid ah booliska aan u tayeyno, oo qalabkii loo siiyo, oo daryeel ay helaan, waxana kaloo rabaa in aan halkaan amaan uga soo jeediyo taliyaha kooxda Gaashaanle dhexe Cabdikariin oo runtii isagu muujiyay hogaamin wanaagsan, kudayo badan ayay noo leedaya, koox waliba iyo hogaan waliba waxaan laga rabaa inay isku duubnaadaan, isla markaana ay fahmaan waajibaadka looga fadhiyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.
Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ciidamada Booliska Somaliyed ay horumar ku tilaabsadaan.
“Farxad ayay ii tahay in aan idinkala qeyb galo munaasabadan lagu furayo xaruntan cusub, runtii ku timid dadaal badan oo ay saraakiishu ku bixiyeen, runti aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay taliyaha meeshan Cabdikariin uu qabtay, waa wax lagu farxo, waa wax noo noqon karto tusaale fiican, waxaan soo jeedinayaa inay ku daysadaan hay’adah kale ee dowladda” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.