Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee Dalka Uganda maanta uga qeyb galaya shirmadaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lafilaya in Madaxda ka soo qeyb gashay shirka (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.
Warsaxaafadeed galinkii dambe ee Arbacada oo ka soo baxay Madaxtootada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxda ay ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu damacsan yahay in laba sano loogu daro Ciidanka Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ee hadda loo yaqaan ATMIS, walow waqtigooda uu ku eg yahay Ciidankaan illaa dhammaadka December 2024-ka.
Shirkaan uu marti galinayay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayna ka qeyb galayaan madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa la filayaa gunaanadkiisa in laga soo saaro warmurtiyeed jiheenaya qorshaha joogista iyo ka bixista Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.