Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Array

Booliskii Baltimore Oo Dacwad Lagu Soo Oogay,

Xeer ilaaliyaha Baltimore dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay qorsheynayso in ay dacwad ku soo oogto lix askari oo ka tirsan Booliska magaalada Baltimore kadib geeridii Freddie Gray oo ku dhintey gacanta booliska.

Shir jaraa’id oo ay ka hadashay Marilyn Mosby xeer ilaaliyaha guud ee Baltimore ayay ku sheegtay in dhimashada 25kii madowga ahaa uu ahaa dil bareer ah xarigiisuna uu ahaa mid sharci darro ah.

Dadweyne badan oo dhagaysanayay shirka jaraa’id ayaa aad ugu riyaaqay waxaana wadooyinka magaalada Baltimore isugu soo baxay dadweyne faro badan oo qaarkood gawaarida ay wateen hoonkooda ka shanqarinayay waxayna taageereen go’aanka xeer ilaalinta gaartay ee ah in sharciga la horgeynayo lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska magaalada Baltimore.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in baaritaan kadib la ogaaday in Mr Gray uu dhintey dhaawcyo ka soo gaaray jirdil iyo xarig ay ku sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada booliska magaalada Baltimore.

Duqa magaalada Baltimore Stephanie Rawlings Blake ayaa sheegay in shan ka mid ah sarakiisha loo haysto dacwadan xabsiga la dhigey isla markaana laga joojiyay shaqada,isagoo intaa raaciyay in aysan cidna ka sareyn sharciga.

Kadib aaskii Mr Gray ee Isniintii ayaa banaanbaxyo rabshado wata waxa ay ka dhaceen West Baltimore waxaana loo xirxirey dad gaaraya labo boqol oo ruux iyadoo in kabadan boqol baabuur lagu gubay banaanbaxyada halka 15 dhismana la burburiyay.

Kumanaan ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay Baltimore kadib banaanbaxyada rabshadaha watay dhimashada Mr Gray oo ahaa nin dhalinyaro madow ah ayaa noqonaysa tii ugu dambeysay dalka Maraykanka iyadoo dhalinyaro madow ah ay hore ugu dhinteen gacanta ciidamada Booliska.

MUQAALADA

WARARKA

Baarlamaanka Somaliland oo laalay xubinimadii C/risaaq Khaliif

Talaado-june-06-6-2023-{HMC}  Baarlamaanka Somaliland ayaa Talaadada maanta ah waxa uu sheegey inuu laalayo xubinimadii Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Talaabadan ayaa salka ku haysa eedeymo loo jeediyey ay...