Eden Hazard ayaa sheegay in uu ku farax san yahay in uu usii cayaaro kooxdiisa Chelsea halka uu uga biiri lahaa kooxda Real Madrid.
24-jirkaan heerka caalami ayaa kooxdiisa u dhaliyay 18-gool dhamaan tartamada oo dhan isagoo kooxdiisa ka caawiyay iney ku guuleysato koobka Capital One Cup sidoo kalana waxey qarka u saaran yahiin iney ku guuleystaan horyaalka EPL-ka markii ugu horeysay tan iyo sanadii 2010.
Eden Hazard oo ka tirsan kooxda Chelsea iyo Xulka Belgiumka ayaa shalayto la gudoonsiiyay abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan xili ciyaaredkan horyaalka Ingiriiska xaflad ka dhacday magaalada London.
warar ayaa sheegayay in uu ku biiri doono kooxda real sida uu xaqiijiyay Zinedine Zidane
Si kastaba ha ahaatee, markii wax laga weydiiyay hadii uu ka tagi doono Stamford Bridge si uu ugu biiro kooxda Real Madrid,waxa uu Hazard Goal.com: u sheegay “Maya, waan joogayaa.”
ugudambayntii Eden Hazard ayaa kaga soo biiray kooxda Chelsea naadiga Lille sanadii 2012 .