Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXidiga Liverpool Daniel Sturridge Oo U Duulay Mareykanka Si Uu Daaweyn Halkaas...
Array

Xidiga Liverpool Daniel Sturridge Oo U Duulay Mareykanka Si Uu Daaweyn Halkaas Ugu Soo Qaato

 

Sida uu xaqiijiyay tababaraha Liveprool Branden Rodgers weeraryahankiisa Daniel Sturridge ayaa u duulay dalka Mareykanka si uu daaweyn ugu soo qaato.

Sida ay sheegayaan warbixino saakay ay qoreen warbaahinta Ingiriiska Sturridge ayaa lagu arkay magaalada Boston isagoo la kulmi doona dhaqtar taqasusi ah kaas oo cadeyn doona hadii 25-jirkaan uu qaliin u baahan yahay iyo hadii kale.

 

Xidigaan reer England ayaa kaliya kasoo muuqday kooxdiisa xagaagan 18-kulan, taasoo ka dhigan inuu dhaawacyo daris la noqday wuxuuna kaliya shabaqa gaaray 5-jeer.

Tan iyo markii uu Liverpool ka tagay Suarez waxey kooxda noqotay mid hoos u dhacday waxeyna ka daciiftay dhanka weerarka walow dhaawacyo dhowr jeer ah uu la kulmay Sturridge oo qeyb ka ahaa dagaalyahanadii sanadii hore kooxda geeyay booska labaad.

Dhanka kale sida muuqata Dnaiel Sturridge wuu seegi doona afarta kulan ee ka haray xagaagan horyaalka Ingiriiska.

Ugu dambeyntii Rodgers ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Daniel uu mar kale dib ugu laabto Mareykanka isagoo dhaawac la tacaala

Sturridge

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY