Kooxo Hubeysan ayaa duhurnimadii maanta ku dilay Suuqa Bakaaraha Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore, iyadoo ay baxsadeen kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay.
Xildhibaankan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Xaaji Cali Aadan, waxaana lagu dilay agagaarka halka lagu magacaabo Cabdalla Shideeye.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in dhowr xabadood lagaga dhiftay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana markii dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska
“Labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxay ku dileen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Cabdalla Shideeye nin ka tirsanaa Baarlamaankii dowladdii KMG, waxaa lagu magacaabi jiray Xaaji Cali Aadan”ayuu yiri Goob jooge magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta.
Dhinaca kale Ciidamada Booliska oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaan u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka geystay.
Dilkan ayaa ka mid ah dilalka qorsheysan ee ka dhacayay mudooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho, waxaana sanadkii hore Muqdisho lagu dilay ilaa labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaankii dowladdii KMG aheyd.