Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXildhibaano ka laabtay Mooshinkii ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Array

Xildhibaano ka laabtay Mooshinkii ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay Mooshinka ay dhawaan ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa sheegay in iyagoo 25 Mudane gaaraaya ay ka noqdeen Mooshinkaasi, waxa uuna cadeeyay inaan qeyb ka aheyn xiligaani.

“Anagoo 25 Xildhibaano ah waxaan ka laabanay Mooshinkii Madaxweynaha, waxaan go’aan ku gaarnay inaan la laabano go’aankii aan Mooshinka ku saxiixnay.” Ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar ayaa dib ula laabashada mooshinkaasi ku sheegay inay ka danbeysay kadib markii ay Xildhibaanada qaar ka baxeen balankii ahaa ka hor inta aan Mooshinka la gudbin laga yeesho kulan gaar ah balse markii ay gudbiyeen Mooshinkaasi kulan la’aan ay iyagana dib ula laabteen mooshinka.

“Waa macruuf awooda Mooshinkan waayo muddo ayaan soo wadnay, waxaana Xildhibaanada isku ogayn ka hor inta aan Mooshinka la gudbin inaan kulan isugu nimaano, ka wada tashano qodobada lagu soo oogaayo Madaxweynaha, iyadoo aan nala gala tashan ayay Xildhibaano gaar ah Mooshinka gudbiyen. Maadaama ay sidaasi yeeleen anagoo 25 Xildhibaano ah, waxaan isku afgaranay inaan ka laabano.”.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar waxa kaloo uu sheegay in ujeedka Mooshinku uu ahaa in wax uun lagu saxo, haddii lagala dhinac maray Mooshinkaasi, uu iyana go’aankoodu noqday inay dib kaga laabtaan.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY