Saturday, January 28, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAXildhibaano Ugu Baqay Madaxwenayaha In G,Hiiraan Maamul Losameyo

Xildhibaano Ugu Baqay Madaxwenayaha In G,Hiiraan Maamul Losameyo

Sideed xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud inuu Tix-geliyo rabitaanka siyaasiyiinta iyo bulsho-weynta ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan ayaa xusay in marar badan ay Madaxweyne Xasan kala Hadleen Qadiyada Federaaliisim-ka iyo dhismaha Maamul Gobolleedyada Dalka iyo Doorka uu yeellan Karo Gobolka Hiraan, Madaama inta badan Bulshada ku nool gobolka iyo Siyaasiyiintoodu isku raacsan yihiin in Gobolka Hiiraan si madax-bannaan u Hoostago dowladda dhexe iyadoo la cuskanayo qodobka 48aad (2) iyo qodobka 49 (3) (6) ee Dastuurka Soomaaliya.

Baaqa Xildhibaannada ayaa kusoo beegamaya xilli magaalada Beledweyne uu ka soconayo Shirweynaha Dib-u-hishiisiinta iyo Aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan.

Qoraal_Xildhibaanno

MUQAALADA

ENGILSH NEWS