Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAXooggaga Taliban oo dalka Afghanistan askar ku laayay

Xooggaga Taliban oo dalka Afghanistan askar ku laayay

Xooggaga Taliban ee dalka Afghanistan, ayaa dilay in ka badan 11 ka mid ah ciidammada dowladda ee ku sugan galbeedka gobolka Herat ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay barasaabka gobolkaasi ayaa BBC u sheegay, in askarta la weeraray xilli ay habeennimadii Axadii u safrayeen gobolka Baghdis.

Taliban ayaan weli wax jawaab ah ka bixin weerarkaasi.

Ururkaasi kacdoonka wada ayaa ballaariyay weerarrada uu ku hayo ciidammada Afghanistan, tan iyo markii ay ciidammadaasi bilaabeen duulaanka ka dhanka ah Taliban dabayaaqadii bishii April.

Ciidammada Afghanistan ayaa la dagaallamaya Taliban, xilli aanay garab ka heleynin ciidammada NATO, oo howlgalkooda dalkaasi soo afjaray lix bilood ka hor.

Talibaan

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...