fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeXukuumada Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug
Array

Xukuumada Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorashadii ka dhacdey magaalada Cadaado ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo bogaadiyey guddiga doorashada iyo Xildhibaannada maamulkaasi, si loo dhameystiro hanaanka doorashooyinka.

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Alle ayaan uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...