spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS 130 Arday oo la afduubtay oo la sii daayay

130 Arday oo la afduubtay oo la sii daayay

0
23

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in lasii daayay 130 Arday oo wax ku baranaysay Iskuul ku yaalla Gobolka Niger, waxa ay Ardaydaan gacanta ugu jireen kooxihii qafaashay tan iyo 21kii November ee sanadkaan, waxa ay sidaas ku maqnaayeen muddo bil ah.

Nigeria ayaa sheegtay in ay xoogga saartay sidii loosoo dayn lahaa Ardaydaan iyo dad kale oo shaqaale ah oo galay gacanta kooxo hubaysan oo beegsaday Deegaannada ay ku sugnaayeen oo Iskuulka laga kaxaystay uu ku yaallo

“Waa arrin farxad leh, daqiiqado guul iyo nashasho ah ayaa timid kaddib markii lasoo badbaadiyay 130 Arday oo gacanta kooxo hubaysan ku jirtay, horay waxa loosoo daayay in ka badan 250 qof oo Arday & Shaqaale Dowladeed isugu jiray” Sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan Dowladda Nigeria oo magaciisa ka gaabsaday.

Nigeria waxaa ku badan Afduubka Ardayda Badi ah Gabdhaha yaryar, qaarkood ayaa dib xorriyaddooda u helay halka qaar kale la sheegay in ay haystaan kooxaha hubaysan ee qafaashay, waxa ay dhalisay cabsi badan oo ay muujiyaan waalidiinta ubadkooda waxbarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here