spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS 15 sano kaddib Kenya oo ku dhawaaqday in ay dib u furayso...

15 sano kaddib Kenya oo ku dhawaaqday in ay dib u furayso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

0
8

Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u furayso Xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, ku dhawaad 15 sano kaddib markii loo xiray sababo la xiriira weerarada kooxda Al-Shabaab, sida uu shaaciyey Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Alshabaab ayaa ka dambeysay taxanaha weeraro ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Kenya, oo ay ku jiraan mid ka dhacay xarun ganacsi oo ku taalla caasimadda Nairobi, kaas oo lagu dilay 67 qof sannadkii 2013, iyo mid ka dhacay jaamacadda Garissa labo sano kadib oo lagu dilay 148 qof.

Ruto wuxuu sheegay in qorshaha dib u furista labada goobood ee xuduuddu ka socoto uu ku saleysan yahay sannado qiimeyn amni ah, isaga oo intaa ku daray in ciidamada ammaanku si weyn loo dhigi doono si loo hubiyo in tallaabadan aysan khatar gelin amniga.

Madaxweynaha ayaa qorshahan ku shaaciyey booqasho uu ku tagay magaalada xuduudka ee Mandera oo ku taalla waqooyi-bari Kenya, halkaasoo ay ku badan yihiin Soomaalida deegaanka.

“Ma aha wax la aqbali karo in muwaadiniinta Kenya ee Mandera ay ka go’an yihiin ehelkooda iyo deriskooda ku sugan Soomaaliya sababtoo ah xirnaashaha dheer ee Xuduudda Mandera,” ayuu Ruto ku qoray X.

Khudbaddiisa, wuxuu ku baaqay dhammaan dadka Mandera, oo dhowr jeer la beegsaday, in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah al-Shabab.

“Al-Shabab waa kuwo aan waxba tarayn, waxaan doonayaa inaan idin xaqiijiyo in Kenya ay la shaqeyn doonto idinka, kaliya naga caawi la dagaalanka dambiyada iyo argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Marka laga soo tago weerarkii ka dhacay suuqa Westgate iyo Jaamacadda Garissa, weeraro kale oo waaweyn oo al-Shabab ka geystay Kenya waxaa ka mid ah dilkii 28 rakaab bas ah oo ka dhacay degmada Mandera sannadkii 2014 iyo weerar lagu qaaday hotel ku yaalla Nairobi shan sano kadib, kaasoo sababay dhimashada ugu yaraan 21 qof.

Sannadkii 2015, Kenya waxay bilowday dhismaha xayndaab xuduudka ah oo ku fadhiyo 680 km (423 mayl) oo xuduuda guud ah, si looga hortago hanjabaadda argagixisada, laakiin mashruuca waa la joojiyey ku dhawaad saddex sano kadib markii kaliya 10 km (6 mayl) oo silig ah la dhisay, iyadoo kharashka ku baxay uu gaaray $35 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here