2 milyan oo dollar ayaa loo aruuriyay wax ka yar 24 Saac ninkii Badbaadiyay Yahuud Farabadan.

0
57

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} In ka badan 2 milyan oo dollar ayaa muddo 24 saac ka yar loo aruuriyay ninkii lagu sheegay geesigii ka hortagay raggii weerarka ka geystay Sydney ee Axmed Al Axmed, kaasoo la arkay isagoo qoriga kula dhagaya illaa uu ka qaaday mid ka mid ah raggii Jimcihii fuliyay weerarkaa oo ay ku geeriyoodeen kuna dhaawacmeen tobannaan qof.

Axmed oo ka soo jeeda waqooyiga dalka Suuriya oo qaxootinimo ku tagay Australia, isagoo Sydney ku lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo khudaarta , ayaa hadda taageerro ka helaya dadweynaha calaamka, isbitaal uu ku jiro oo lala tacaalayo dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ku dhacday inta uu weerarka socday waxaa maanta booqday Ra’iisul wasaaraha Australia, Anthony Albanese oo Axmed ku sifeeyay ; “ Geesi iyo Nin adag.”

Ficilka uu ku dhaqaaqay iyo khatarta uu naftiisa geliyay ayaa hadda beddeshay noloshiisa oo isbitaalka wuxuu ka soo baxayaa, isagoo helaya 3.1 milyan oo dollar , waa nolol ka duwan tobannaankii dollar ee dukaanka cabitaanka uu ka sugi jiray! Waxaan laga tagi karin ficilka Axmed , waxaa kaloo uu beddelay hadal heyntii weerarkaa iyo dacaayad kasta oo Muslimiinta loo saari lahaa ku lug lahaan shaha weerarka, hadda qof kasta wuxuu ka hadlayaa geesinimada Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here