Axad Nov 02, 2025 {HMC} Dad ka badan 20 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay cuneen cunto sumeysan.
Dadkaa ayaa oo ka shaqeynayey Berkad halkaas ku taal oo ay raggu qodayeen halka duamrkuna ay raashin u karinayeen kuwaas oo ku sumoobay raashin ay karsadeen sida lagasoo xigtay xafiiska caafimaadka ee degmda Xarshin ee gobolka Faafan.
Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan oo BBcda la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Bariis ay karsadeen oo caano lagu daray laakin waxa uu sheegay in waxa saxda ah ee ay ku sumoobeen aan la garaneynin in yihiin bariiksa ama caanaha .
Mar la weeydiiyay Cabdiraxmaan Jamaal sida ay ku xaqiijiyeen in dadku ay cuntadaas ku sumoobeen iyo in ay wax kale ku sumoobeen, waxa uu sheegay, in wixii ugu danbeeyay ee ay cunaan ay ahayd bariisksaasi caanaha lagu daray.
Dadkaasi oo ka koobnaa 20 rag ah iyo afar dumara,waxay ahaayeen shaqaalle ka shaqeynayey berkad halkaasi laga dhisayey.
Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sintaasi ku daray in bariisku uu ahaa mid ay maalin walba karsanayeen taariikh ahaanna uusan ahayn mid dhacsan balse ay ka shakisanyihiin in canaaha ay ku darsadeen bariiska ay wax ka qaldanaayeen oo ay dadkaasi ku sumoobeen.
Mar uu xaalaadda caafimaad ee dadkaasi uu ka hadlayey, waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Jamaal in laba qof ay ugu daranyihiin xaaladooda, kuwaasi oo aa ilaa iyo hadda aanay waxba ka imaan sida in ay matagaan ama ay isticmaalaan suuliga si ay suntu ugasoo baxdo.
Markii ay dhacdadani dhacday oo ay soo gaartay masuliyiinta Dowlad Deegaanka waxa ay gurmad u fidiyeen dadkii halkaasi ku dhibaateeysnaa oo ay dadkaasi u geeyeen gargaar caafimaad oo ay u fidiyeen iyagoo keenay xarun caafimaad oo magalaada ku taal ” Xaaladdii caafimaad ee dadkaasi waa ay naga tan badisay , waxa aan u gudbinay qeybta dhaqtarka weyn ee ku yaal qebta Baligubadle ee Somaliland maadaama ay xuduud la leedahay deegaanka ay wax ka dhaceen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo intaas ku daray in dhaqtarkii uu caddeeyay markii baaritaan la sameeyay in ay cuntadu waxyaabo sun ah ay u raacday.
Mar la weeydiiyay in ay kiisas noocaan oo kale ah horey u arkeen ayuu Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin Cabdiraxmaan Jamaal sheegay in ay horey u arkeen kiisas noocaan oo kale ah laakin ay xaaladahoodu kala duwanaayeen.
Cabdiraxmaan Jamaal waxa uu sheegay in nooca kiisaska ay horey u arki jireen ay ahaayeen sida qoys sumoobay oo caano ama waxyabao kale oo ay cuneen ku smoobaay laakin dadkan goobo kala duwan iskaga yimid ee berkada dhisayey ee wada sumoobay ayaa dhacdo ugub ah nagu ahayd “caano lagu sumoobay iyo hilib geel oo la qalay oo lagu sumoobay waa la arki jiray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Jamaal.
Dadkii ku sumoobay cuntadaas marka laga reebo lab qof dhamaantood waa ay ka baxeen cisbitaalka hasa yeeshee waxa lagu amray in aany magalaada ka bixin ila amar danbe inta caafimaadkooda lag hubinayo.
Cabdiraxmaan Jamaal waxa uu sheegay in ay olole wacyi geli ah ay ka bilaabeen deegaanada ku xeeran Xarshin taas oo ay dadka u sheegayeen in aanay cabin caanaha aan ku jirin weelal xiran ama fayadhowrkoodu waanaagsayahay oo ay bakteeriyada iska ilaaliyaan, cunatadana ay si wanaagsan iskag kariyaan.
Dhacdadan ayaa markii ay dhacday argagax ku riday dadka deegaanka iyadoo dadka sumoobay ay markiiba calooshu dimbirtay hasa yeeshee markii danbe ee ay wax ka yimaadeen in ay waxoogaa nafiseen.
XIgasho BBC






