{DOOWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo maanta Tallaabo weyn oo dhanka Nabadda Ah qaaday.

0
41

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Madaadii’da Nabadda ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa munaasabadda ka sheegay in adduunka ay ka jirto wal-wal la xiriira sii jiritaanka nabadda, taasi oo muhiim ka dhigaysa in la helo xeerar sal adag oo lagu xakameynayo cid walba oo wax yeelaysa nabadda adduunka.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii nabadda, horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana ay muhiim tahay in la kobciyo hey’adaha dowliga ah, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin ee xoojinaya nabadda.

Sidoo kale dagaalka lagula jiro AS ee ka soconaya dalka ayuu sheegay in ay yihiin kuwo lagu raadinayo nabadda, isaga oo baaq cod dheer ah u direy dhallinyarada weli jirtay dhanka AS

Wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha dhalinta ay marin habaabiyeen AS in ay ku soo laabtaan jidka saxda ah, kana tanaasulaan afkaarta gurracan ee lagu daadinayo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda iyo isu soo dhaweynta bulshada, kana fogaadaan wax walba oo dhaawaci kara nabadda ummadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dariskeeda ay kula noolaato nabad, dhankeedana aysan aqbali doonin in lagu soo xad-gudbo Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

429981480 758326726396476 6269455360692359479 n 2 430051945 758326889729793 2809224979234220694 n 428710838 758327059729776 7440017715282884869 n 2429945240 758326636396485 3726921169716444636 n 2 429969285 758326969729785 8741528112437955579 n 1 430017001 758326549729827 2529749277456820531 n 1C 1 GGGGGGGGGGGGG 1 429962802 758326849729797 87411818775236226 n 1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here