Somaliland oo qaaday talaabooyin ka dhan ah Safarka uu RW Xamse ku tagay Laascaanood.

0
86

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay Safarka uu Raisal Wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood.

Waxay sheegtay in ay soomaaliya ay daandaansi ku wado dhulka Somaliland, iyadoo baaqna u dirtay Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood waxay ka dhigan tahay daandaansi aan qarsoonayn iyo xad-gudub ba’an oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliland. Falkan aan ka fiirsiga lahayn ayaa loo arkaa inuu yahay ku dhawaaqis dagaal.” Afhayeenka Dawladda Somaliland Xuseen Cumar Deyr.

Dhinaca, kale Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyey Socdaalka Raisal Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND

489924035 1393483962142963 8811435504512318449 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here