MW laftagareen oo booqday furimaha hore ee dagaalka

0
63

Axad 04, May 2025 {HMC} Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaasi ku sugan isla markaana dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.

Booqashada Madaxweyne Laftagareen ee Furimaha Dagaalka ayaa ah mid niyad-dhis ah oo muujineysa sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay Difaaca Dalka iyo Daryeelka Ciidamada Naftooda uhurey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here