Talaado 17, June 2025 {HMC} Soomaaliya iyo 21 dal oo kale ayaa si adag u cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Iiraan, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda ee 21 dal oo ku kala yaalla Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya ayaa lagu sheegay in weerarada Israa’iil ay ku xadgudbayaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wasiirrada ayaa ka digay cawaaqib xumo halis ah oo ay weerarradaasi ku yeelan karaan xasilloonida gobolka, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sii socoshada weerarrada ay sababi karto in dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolka.
Ugu danbayntii, wasiirradu waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada in dib loogu laabto wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, si xal nabadeed oo waara looga gaaro khilaafka jira.