Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay xaaladda Geeska Afrika .

0
16

Jimco, 11 July 2025 {HMC}Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh, ayaa Khamiistii yeeshay wadahadal khadka telefoonka ah, kaas oo ay ku xaqiijiyeen muhiimadda ay siinayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta gobolka.

Wadahadalka ayaa diiradda saaray sidii loo sii amba-qaadi lahaa is-fahamka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo la raacayo heshiisyada madaxda sare ee labada waddan, Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi iyo Madaxweyne Isaias Afwerki sida uu daabacay wargeyska Ahram Online.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo siyaasadda ee gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan wadatashiga joogtada ah ee ku saabsan xaaladda is-bedbeddelaysa ee gobolka.

Wadahadalkooda ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan Madaxweyne El-Sisi uu magaalada xeebta ku taalla ee El Alamein kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, halkaasoo Masar ay ku ballanqaadday kordhinta taageerada milatari ee Soomaaliya, iyo dadaal lagu xoojinayo doorka ay ku leedahay sugidda ammaanka Badda Cas.

Sidoo kale, bishii Oktoobar ee sanadkii 2024, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah ku yeeshay magaalada Asmara, halkaas oo ay ka muujiyeen go’aankooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo xuduudaheeda badeed, iyadoo la adkaynayo midnimada mowqifka dalalkaasi ee arrimaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here