Arbaco 16 July 2025 {HMC} Marco Rubio Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegay inuu u malaynayo Israa’iil iyo Suuriya ay ku socdaan wadada qaboojinta colaada soo cusboonaatay, ka dib duqaymaha Israa’iil ay ku qaaday Dimishiq.
Waxaa jiro isfahmi waa’ u dhaxaysay labada dhinac, isaga oo intaa ku daray: saacadaha soo socda ay rajaynayaan inay arkaan horumar dhab oo xaalada laga sameeyay.’’ Ayuu yiri Mr Marco Rubio xili uu la hadlaayay warbaahinta.