spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS 21 askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaad.

21 askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaad.

0
38

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} 21 askari oo ka tirsan ciidanka Wadanka Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaad ay xalay la galeen dagaalyahannada jabhadda Fano oo siweyn u diiday Dowladda Ra iisulwasaare Abyii axmed Cali

Iska horimaadka ayaa ka dhacay magaalada Agut ee gobolka Amxarada, halkaa oo sidoo kale la sheegay in ciidanka Itoobiya looga furtay hub iyo rasaas, sida laga soo xigtay Clash Repor.

Jabhadda Fano ayaa mudooyinkii Danbe waday Dagaalo Xoogan oo ay kula jireen  Dowladda Wadanka Itoobiya, waxaana inta uu socday dagaalada ay qabsadeen jabhada Faano dhul badan oo horay u maamuleysay Dowladda Federaalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer sameey isku day ay wada hadalo kula fureyso jabhada Faana ee ka dagaalanto gudaha itoobiya gaar ahaan deegaanka Amxaarada kuwaas oo dhamaan lagu guul dareystay.

Mudooyinkii Danbe Gudaha Dalka itoobiya waxaa sii kordhaayay Dagaalada u dhaxeeyo Ciidanka Dowlada Federaalka Itoobiya iyo Jabhadaha ka soo jeedo ismaamulada Kala duwan ee Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here