spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS 66 Sano kadib waa Sidee Ciidamada Cirka Soomaaliya.?

66 Sano kadib waa Sidee Ciidamada Cirka Soomaaliya.?

0
24

Axad  14 Feb 2026 {HMC}  Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa maanta jirsaday 66 sano, waxa uu soo maray heerar kala duwan iyada oo sanadihii u danbeeyay ay dardar ku socotay dib usoo laabashada awooddooda maadaama ay heleen Diyaarado iyo qalab kale oo sii jiritaankooda muhiim u ah.

Marxalado kala duwan oo kala duruufo adag ayay soo mareen waayihii adkaa ee Dalka soo maray, waxa ay fursad ahaan ka hooseeyeen ciidamada kale ee Sooomaaliya oo helayay taakulo dhinaca agabka ah iyo dhallinyaro cusub oo kusoo kordhayay.

Soomaaliya waxa ay 2026 haysataa Diyaarado Dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga isla markaana ay kaxeeyaan Duulliyeyaal Soomaali ah kuwaas oo dhallinyaro dibadda lagu soo tababaray ah, waxaana waddada kusoo jira diyaarado kale oo dhowaan ay soo iibsan rabto.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa uuna ku bogaadiyay in ay kaalintooda ka qaataan howlaha lagu ilaalinayo Dalka.

“Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo Maanta u dabaal dagayo Xuska Sanadguurada 66 aad ee kasoo wareegatay Aas Aaskooda” Sidaasi waxaa yiri, Taliyaha CXD, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dhismaha Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda iyada oo fursado garab istaag ah ka heleysa Dalal kala duwan waxaana ugu horreeya Turkiga oo diyaaradihiisa casriga ah dalka keenay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here