7 Maalin kadib Dagaalka Bariga dhaxe kadib waa Sidee Qeeymaha shidaalka Soomaaliya.

0
13

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Maanta oo kale todobaadkii hore ayuu qarxay dagaalka saamaynta taban ku reebay guud ahaan Caalamka ee u dhaxeeya Maraykanka oo garab ka helaya Xulufo ay kamid tahay Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan oo iska caabbin kala hortagtay.

Xukuumadda Tehran ayaa saacado kaddib waqtigii lagu duullay waxa ay ku dhawaaqday in ay xirtay marinka Hormuuz oo ah 20% goobta uu marayo shidaalka adduunka loo iib geeyo waana isha dhaqaalaha Dalalka Khaliijka Carabta.

Soomaaliya waxaa si dhab ah u saameeyay xayiraadda shidaalkaas, waxaana maalintaas halkii liitan oo Shidaal ah lagu shubanayay $0.65, saacad weliba iyo maalin kasta sidii ay santiyaal ugu darsamayeen waxa uu maanta joogaa Halkii Liitar $1.3

Kororkaas waxa uu saameeyay qiimaha lagu raaco Gawaarida Dadweynaha, kuwa la kiraysto iyo Mootooyinka sida Bajaajta, waxaa suuragal ah in maciishadda inteeda kale iyanna is baddesho maadaama Gawaarida lagu soo qaado uu saamaynayo shidaalka kordhay.

Waxa ugu badan ay ka sheekeesanayaan ama is waydiinayaan Wadayaasha Gawaarida waa qiimaha uu ku hoyday habeenkaas iyo kan uu waaga ugu baryay mar haddii waqti weliba uu isbaddel degdeg ah ku imaanayo lacagaha shidaalka.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa dadka ay qaadaan lacago dheeraad ah ku dallacay, tani waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo xiligaan oo kale dadku aad u adeegsadaan maadaama ay ku howlan yihiin dukaamaysiga Ciiddul-Fitriga oo maalmo kooban naga xigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here