Arbaco 25 june 2025 {HMC} Wararka ka imaanayo Dalka kenya ayaa sheegayo in 8 qof ay ku dhinteen in ka badan 400 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii maanta looga soo horjeeday dowladda, sida ay sheegayaan kooxaha u doodada xuquuqda Aadanaha.
Saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa saraakiil ka tirsan Ciidanka booliis Dalka kenya sida ay Baahiyeen warbaahinta Dalkaas.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah 8 qof oo ku dhaawacmeen rasaas halka 83 kalena loo gudbiyay daawaynta khaaska ah, ayaa lagu yiri bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ururka Dhakhaatiirta Kenya, Ururka Sharciyaqaanada Kenya iyo Kooxda Shaqada ee Dib-u-habaynta Booliska.
Saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa saraakiil booliis ah, sida ay sheegeen.
“Waxaan ku boorrinaynaa kuwa weli waddooyinka ku jira inay is-xakameeyaan si ay uga fogaadaan khasaare kale oo nafeed iyo dhaawac,” ayey raaciyeen.
Maamulka ayaan weli xaqiijin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Dhanka kale Maxkamadda sare ee magaalada Nairobi ayaa hakisay amarkii dowladda ee lagu mamnuucayay in si toos ah loo tabiyo dibadbaxyada.
Kiis ay soo gudbiyeen Ururka Sharciyaqaanada ee Kenya (LSK), maxkamaddu waxay amartay in dhammaan warlisayada telefsishinada ee la damiyay dib loo soo celiyo isla markiiba.
Telefishinada waaweyn ayaa hawada laga saaray iyadoo dowladdu ay sharci darro ku tilmaantay tabinta tooska ah ee mudaaharaadka.
LSK ayaa sheegtay in dhammaan warlalisayada TV-yada dib loo soo celiyo, iyaga oo cambaareeyay mamnuucidda kuna tilmaamay”ciqaab iyo amar sharci darro ah”.






