Wednesday, May 22, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Ahaa Warka Ka Farxiyey Shacabka Dalka Turkiga Ee Kasoo Yeeray Kooxda Real Madrid?

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Garoonka tababarka Real Madrid waxa maanta ka jiray war ka farxiyey jamaahiirta kooxdaas iyo kuwa Turkiga oo iyagana ay u ahayd maalin ay la dhacsanaayeen waxa ay ka maqleen Real Madrid, waxaanay rajaynayaan in warkaas farxadda leh ay si buuxda uga arki doonaan garoomada usbuucyada soo socda.

Real Madrid ayaa soo bandhigtay sawirrada ciyaartoydeeda aan tegin xulalka ee tababarka ku qaadanaya garoonkeeda Valdebebas, waxaana kasoo dhax-muuqday xiddiga reer Turkey ee Arda Guler oo kasoo laabtay dhaawac.

Saxeexa cusub ee Real Madrid oo aan wali hal kulanna u safanin, ayaa markii uu usbuuc kaliya joogay Real Madrid xagaagii waxa soo gaadhay dhaawac uu muddo laba bilood ah u jiifay, laakiin markii uu kasoo noqday ee uu tababarka bilaabay ayaa iyadoo la filayo in uu qayb ka noqdo ciyaartii Las Palmas waxa haddana soo yeedhay warka sheegaya in uu dib u dhaawacmay.

Carlo Ancelotti oo waqtigaas la hadlay saxaafadda ayaa yidh: “Arda Guler waa taam, waxaanu qayb ka noqon doonaa kooxda.”, laakiin markii uu dhamaaday shirka jaraa’id ayaa kubbadihii ugu dambeeyey ee tababarka uu haddana muruqa kaga dhaawacmay Arda Guler.

Waxa kale oo tababarka Real Madrid kusoo noqday maanta difaaca reer Austria ee David Alaba oo kasoo noqday dhaawac uu ku seegay dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 21-05-2024

Talaado, 21 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024

Talaado-21-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/lRA32gstXQc

WARARKA