Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kuma Xiddiga Kooxda Arsenal Ee Qirtay Inuu Ku Riyoodo Real Madrid?

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si badheedh ah u sheegay in kooxda uu jeclaan lahaa in uu u ciyaaro ee uu ku riyoodo ay tahay Real Madrid oo uu sidoo kale dul-istaagay garoonkeeda Santiago Bernabeu ee dibu-dhiska lagu sameeyey.

Inkasta oo aanu wali ka hor tegin Real Madrid, haddana laacibkan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu helo fursad u suurtogelinaysa in uu tago Real Madrid, taas oo kooxdiisa Arsenal ku keeni karta niyad-jab.

Weeraryahanka Arsenal ee Eddie Nketiah ayaa waraysi uu siiyeyska FouFourTwo, waxa lagu weydiiyey kooxda uu jeclaan lahaa in uu u ciyaaro, waxaanu markiiba lasoo booday Real Madrid, inkasta oo naadigiisa Gunners uu xilli-ciyaareedkan u dhaliyey laba gool, mid kalena caawiyey 11 ciyaarood oo uu u saftay

24 jirkan ayaa waxa uu sheegay, in ka ciyaarista tartanka Champions League iyo ku guuleysigiisu ay u yihiin wax uu jeclaan lahaa, iyadoo xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyey uu kasoo muuqanayo tartankan oo ay kooxdiisa Arsenal kasoo qayb-gashay toddoba sannadood oo ay ka maqnayd kaddib.

Waxa kale oo uu sheegay in uu jeclaan lahaa in kooxdiisa Arsenal ka hor tagto Real Madrid si uu ugu soo dheelo garoonka Santiago Bernabeu, waxaanu yidhi: “Anigu waliay kuma aanan ciyaarin garoonka Santiago Bernabeu, waxay ii noqon lahayd khibrad.”

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA