Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, kaas oo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waabariistay jugta qaraxa, waxaana kadib xigay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaaba weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inta badab waxaa deegaankan cirifka ku yaalla weeraro culus kusoo qaaday AS ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda AS oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA