Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Rag dil Geestay oo saakay xukun dil ah lagula fuliyay

Talada, October -24- 2023-{HMC} Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada booliska iyo xoogga dalka, kuwaasi oo horay dilal u gaystay.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaaba Yuusuf Isaaq Nuur Aadan iyo Aadan Maxamed Xasan Ibraahim {Boqol}, waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ex-Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan loo arkin meydkiisa.

Sidoo kale, Ex-Dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim {Boqol} ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jir ah.

Dilka Sheekh Cali ayaa yimid kadib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

{DAAWO MUUQAALKA} Galbeedka Hiiraan Waxaan ka bilaabi doonaa Howlgal ka dhan ah Kooxda AS

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Galbeedka Hiiraan Waxaan ka bilaabi doonaa Howlgal ka dhan ah Kooxda AS HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/iWFRDJiToZs

{DHAGEYSO} Warka Duhur Ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18/05/2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

WARARKA