Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH :-Israsaasayn dad lagu laayey oo ka dhacday magaalada Guriceel

Isniin, November-6- 2023-{HMC}  Wararka nagasoo gaaraya magaalada Guriceel ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey ilaa 4 kalena ay ku dhaawacmeen is rasaasayn la sheegay inay dhex martay ciidamada amniga iyo kooxo budhcad ah.

Iska hor imaadka ayaa ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah wuxuu dhex maray kooxdan lagu tilmaamay dabley hubaysan, kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawl gal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis.

Mid ka mid ah labada dhimasho ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah, inkasta oo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaraha, waxay wararku nagusoo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay.

Ciidamada amniga ayaa hadda wada hawl gal lagu baadi goobayo raggan.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA