{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho

0
78

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan laโ€™aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani oo ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.

 

Mudane Xamsa ayaa faray dhammaan Hayโ€™adaha Caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah iyo inta ku hawlan hawlaha Gargaarka inay isticmaalaan Diiwaanka USR ee Dawladda si looga fogaado, iska warqab laโ€™aan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasi oo keenaysaa in lagu kalsoonado dawladda, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.

โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here