Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Baladweyne”Dad ay qaadeyn Biyaha Fatahaada oo meydkooda la helay iyo kuwa la baadi-goobayo Caawa.

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Xaalado Magaalada Baladweyne ahaa ah Mid Qatar ah kadib markii Wabiga Shabelle uu si weyn ugu fatahay Xaafadaha Magaalada Baladweyne 24 saac ee ugu dambeeyay, biyaha ayaa qaaday manta ilaa labo qof oo shacab ah kuwaas oo ilaa iyo hada meeydkooda la baadi goobayo.

Sidoo kale kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa manta soo saaray meeydka Wiil dhalinyaro ah kaasi oo shalay ay biyaha fatahaada ay qaadeyn, waxaana meeydkiisa la dhigay xaafada xaawo taako manta. Halis mida ugu weyn ayaa ka jirto halka loo yaqaano Buundada Nuurxawaad oo ah marin halis ah, halkaasi oo ay joogan boqolaal qof oo daawasho u aaday halkaasi.

Majirto Maamul gobol, Mid degmo iyo Ciidan ku sugan Buundada Nuurxawaad , si Bulshada looga badbaadiyo qataraha biyaha fatahaada Wabiga Shabeelle.

dadka ku haray Magaalada ayaa xiligan Dareemayo Cabsi aad ubadan madaama guryahii qaar ee dadkaasi ay dageeyn ay biyaha galeeyn manta ilaa xalay. Sidoo kale biyaha fatahaada ayaa gaaray qeeyb kamid ah deegaanka Ceeljaale oo ay dageeyn dadkii Gudaha Magaalada ka barakacay, taasi oo sababtay in mar labaad ay barakacaan.

Biyaha fatahaada ayaa kor usii socda saacadba saacada ka dambeeyso, waxaana jiro qataro badan oo ay sababi karaan, sida ay sheekeyn Maamulka degmada Baladweyne.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA