Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: SSC-Khaatumo oo war ka soo saartay ka reebista Koobka Dawlad Goboleedyada Soomaaliya.

WAR-SAXAAFADEED:

Talaado November 14, 2023 {HMC} Xoghayaha Arrimaha Bulshada SSC-Khaatumo Dr. Yusuf Saleeban Sancad waxa u caddaynayaa qodobada soo socda:-

1. Ugu horreyn, Waxaan ogaysiinaynaa Bulshada Soomaliyeed iyo Shacabka SSC-Khaatumo in Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JFS iyo Xidhiidhkuba ay dedaal weyn ku bixiyeen sidii SSC-Khaatumo uga qaybgeli lahayd Tartanka Kubadda Cagta ee ka furmi doona Caasimadda Muqdisho.

2. Marka xigta, ma jirto war Rasmi ah oo naga soo gaadhay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS, islamarkaana waxaanu ku guda jirnaa diyaar garowgii aanu kaga qaybgeli geli lahayn tartanka, anagoona rajaynayna inaanu guul ka keeni doonno.

3. Ugu danbayn, Waxaan ku boorrinayaa Xulka Kubadda Cagta SSC-Khaatumo in ay sii labanlaabaan dedaalka iyo diyaargarowga jidheed iyo maskaxeed ee ay ugu jiraan ka qaybgalka tartanka iyo hanashada Koobkaba. Islamarkaana aysan ku mashquulin wararka iyo dacaayadaha aysan waxba ka jirin, kuna kalsoonaadaan Maamulkooda.

Xogahayaha Arrimaha Bulshada
Dr. Yusuf Saleban Sancad

DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024

Talaado-21-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/lRA32gstXQc

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Dagmada Kaxda oo si adag uga hadlay dhalinyarada Qabyaalada wado.

Talaado-21-May-2024 {HMC}  Gudoomiyaha Dagmada Kaxda oo si adag uga hadlay dhalinyarada Qabyaalada wado. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/TDmWD8ngIOg

WARARKA