Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Mareykanka oo ka hor timid Qorshaha Ciidamada Israa’iil ay ku galeen Isbitaalka Al-Shifa

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} John Kirby oo ah Afhayeenka Amniga Qaranka marweykanka ayaa sheegay in Mareykanka iyo maamulka Biden aysan raali ka aheyn howlgalka militari ee ka socda isbitaalka Al-Shifa  Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwo ay maleegeen ciidamada Israa’iil oo uu sheegay in Mareykanka uusan ku lug lahayn.

 

Wuxuu ku celiyay wixii uu Madaxweynaha Joe Biden yiri Isniintii oo ahaa in isbitaallada la ilaaliyo laguna xad gudbin bukaanada.

 

“Hadda, dabcan, waxaan ognahay in militariga Israa’iil ay gabi ahaanba iska indhatireen hadalkii Joe Biden ayna sii wateen weerarka dhismaha isbitaalka weyn ee Gaza” ayuu yiri afhayeenka.

 

Ciidamada Israa’iil ayaa saaka weerar ku qaaday Isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa, kadib markii ay Xamaas ku eedeeyeen inay godad iyo xarumo milateri ku leedahay Isbitaalka hoostiisa.

 

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa la rumeysan yahay inay gabaad ka dhiganayaan gudaha iyo hareeraha isbitaalka, oo ay hareereeyeen dagaallo culus ayna ku xayiran yihiin bukaanno nugul, shaqaalaha caafimaadka iyo Falastiiniyiinta soo barakacay.

 

Maalmihii u dambeeyay cisbitaalku waxa uu xudun u noqday dagaalka ballaaran ee Israel iyo Xamaas.

Bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku eedaysay Israa’iil iyo Maraykanka labadaba weerarka Isbitaalka, iyagoo sheegay in Maraykanka uu Israaiil uu gacan ku siinayo xasuuqa ka dhan ah rayidka, iyagoo adeegsanaya hadalada marin habaabinta ah ee Israel.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Qaramada Midoobay inay ku guuldareysatay inay difaacdo Falastiiniyiinta.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA