Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Dhakhtar Irish-Falastiini ah oo sheegay in aanu ka baxaynin Isbitaalka Al-shifa walow laga daad gurayanayo bukaanada

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Dr Ahmed El Mokhallalati, oo ah dhakhtar Irish-Falastiiniyiini ah oo ka shaqeeya isbitaalka weyn ee Al-Shifa, ayaa sheegay in isaga iyo shan dhakhtar oo kale ay ku sugan yihiin isbitaalka oo ay la joogayaan 120 bukaan oo halkaas ku haray.

“Bukaanno badan kama bixi karaan cisbitaalka maadaama ay ku jiraan sariiraha ICU ama kuwa caruurta,” ayuu soo dhigay barta X (Twitter).

El Mokhallalati ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay ku amreen qof walba inuu ka baxo isbitaalka. IDF waa ay beenisay arrintaas, iyadoo sheegtay inay ogolaatay codsi daadgureyn ah oo uga yimid agaasimaha isbitaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa goor sii horeysay sheegtay sheegtay in boqolaal qof ay saaka lug uga carareen isbitaalka Al-Shifa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxa ay sheegtay in 120 bukaan oo dhaawac ah ay ku harsan yihiin isbitaalka, oo ay la socdaan tiro aan la cayimin oo dhallaan dhicisoobey ah.

Mar sii horreysay, saraakiisha caafimaadka ayaa AFP u sheegay in “450 dhaawac ah iyo bukaanno qaba xanuunno daba-dheeraaday” aan la bixin karin, tiro shaqaale caafimaad ahna ay joogi doonaan isbitaalka si ay u daryeelaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SFzyqStJ7Xo

{DAAWO MUUQAALKA}Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/RS_gJXGsRfU

WARARKA