Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023.

Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo.

Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA