Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ka hadlay furitaanka kalfadhigga afaraad ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah A,S
Aadan Madoobe ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh doorkii uu ka qaatay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah AS,waxa uuna sheegay dagaalka socda in ay qeyb ka yihiin xildhibaannada labada aqal ayna tageen furimaha hore ee dagaalka
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labo xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ku dhaawacmeen dagaalka dalka looga xureynayo kooxda A.S
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya markan ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxda A.S,waxa uuna cadeeyay in xildhibaannada baarlamaanka ay naftooda u hurayaan sidii cadawga looga adkaan lahaa.