DAAWO SAWIRADA} Xamse Abdi bare oo kulan dadweyne kaga jawaabay Su’aalo Muhiim

0
114
Khamiis November 30 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, ciribtirka A-shabaab gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, Khawaarijta la ciribtiro iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad

 

406897071 706849228210893 1175420377347744865 n

405213767 706850268210789 5807774433350604123 n

405404921 706849634877519 5513162289402591542 n

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here