{DAAWO SAWIRADA} Maxey ka wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa Iyo Danjire Joachim Waern

0
100

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

 

Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa sheegay in dalkiisu uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

Xamsa Cabdi Barre and Joachim Waern 1 Xamsa Cabdi Barre and Joachim Waern 2 Xamsa Cabdi Barre and Joachim Waern 3 Xamsa Cabdi Barre and Joachim Waern 4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here