Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Gobolka Banaadir oo xiray Haween jirdil u geystay Muuqaalna ka duubay Nin Dhalinyaro ah

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Baraha Bulshada ayaa aad loogu faafiyay Saacadihii la soo dhaafay muuqaalka Haween Nin inta qol kuso xirtay garaacaya ama jirdil u geysanaya kadibna ay muuqaal ka duubeen, kaas oo dadka Soomaaliyeed siwyen ay uga fal celiyeen, waxaana la sheegay in Haweenkaas Gacanta lagu dhigay.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ay gacanta ku soo dhigeen Haween jir dil u geestay, Muwaadin Soomaaliyeed, wayna ku socot baarista Booliska.

Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Haweenkaas la horgeyn doon Maxkamadda awooda u leh, iyada oo Shacabka Gobolka Banaadir laga dalbaday inay Booliska la soo wadaagaan cid kasta oo wax u dhiibeysa amniga.

Dhacdooyinka la xiriira in Haweenka ay Ragga ku balansadaan guryahooda kadibna ay muuqaalo ka duubayaan, iyaga oo garaacaya ayaa aad ugu soo batay dalka, waxaana ay horay uga dhacday Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA