Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo oo Laga sameeyay deegaano ka tirsan Gobalka shabeelaha Hoose.

Isniin-December-18-2023-{HMC} Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta  howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka shabeelaha Hoose.

Ururka 143Aad Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo Bulshada looga wacyigelinayo ficilada guracan ee al shabaab ka sameeyay deegaanka Sabiid&Canoole iyo Tuulooyinka Hoostaga, si looga hortago dhagarta cadowga.

Taliyaha Ururka 143Aad Guutada 14 October ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad oo Goob Fakaare ah kula hadlay Boqolaal Shacab ayaa uga digay in aysan la shaqeyn Al shabaab ,oo ay Ciidanka usoo gudbiyaan xogta Nabadiidka si looga hortago dhagarta ay maleegayaan.

Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay habeen iyo maalin ay diyaar u yihiin badbaadinta Nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Fariisimaha ku leh Degaanka Sabiid&Canoole ayaa lagu Amaanay Kaalinta wanaagsan ay kaga Qeyb qaateen Badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Gobolka Shabellaha Hoose.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/A6og6Drjyk8

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SFzyqStJ7Xo

WARARKA