Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Faah Faahin:.160 qof ayaa lagu dilay Nigeria

Arbaco, December, 27, 2023 (HMC)  Dabley ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ku yaalla baadiyaha Nigeria gaar ahaan gobolka gobolka Plateau ee waqooyi-dhexe dalkaas horaanta todobaadkan aan ku jirno. Kooxda hubeysan ayaa halkaas waxa ay ku dileen ugu yaraan 140 qof, sidda ay sheegeen saraakiisha hay’adaha nabad-gelyadda iyo dadkii ka badbaaday Talaadadii shalay ahyad.

Waa kiiskii ugu dambeeyay ee dil wadareed ah kaasoo qeyb ka ah isku-dhaca u dhaxeeyay beeralayda iyo xoolo-dhaqatada ku nool waddankan ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika.

“Kooxda hubeysan ayaa 17-qof oo shacab ah ku beegsaday weerarro “macno-la’aan ah oo aan loo meel dayin” Sabtidii iyo Axaddii, iyagoo gubay inta badan guryihii aaggaas ku yaalla,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Plateau, Caleb Mutfwang.

Mutfwang wuxuu intaas ku daray: “Sida aan idinla hadlayo, gobolka Manguu oo kaliya, waxaanu ku aasnay 15 qof, ilaa saaka Bokkoos waxa aanu tirinaynaa mayd aan ka yarayn 100 qof, wali ma hayo [dhimashada] Barkiin Ladi”.

Xafiiska Amnesty International ee Nigeria ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ilaa hadda ay xaqiijiyeen in 140 qof ay ku dhinteen deegaannada Bokkos iyo Barkin-Ladi ee Plateau. Labadan degaan waxa ku badan Masiixiyiinta.

Tirokoobka Hay’adda Amnesty ayaa waxa ku saleysan tahay xogta ay soo ururiyeen shaqaalaheeda goobta ku sugan iyo saraakiisha maxalliga ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA