Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur Warsame Oo Ku Baaqay In Xarunta Midowga Afrika Laga Raro Adis-Ababa

0
167

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxraxman C/shakuur ayaa ku baaqay in Itoobiya laga raro xarunta midowga Afrika. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku yiri.

“Waa arrin is burrinaysa in Itoobiya ay marti geliso xarunta Midowga Afrika, islamarkaana ay ku tumato mabaad’idii lagu dhisay Midowga oo ahayd dhowrida Gobbonimaad, Madaxbanaanida iyo midnida dhul dawadaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika, saa darteed ayaan waxaan si xoog leh ugu baaqaynaa in xarunta Midowga laga raro Itoobiya, loona raro dal kale oo xurmaynaya mabaadi’da lama taabtaanka ah ee Midowga Afrika”

Haddalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay Midowga Afrika soo saareen baaq ay ku sheegeen in labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay xaqdhowraan Gobonimada iyo Madaxbanaanida labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here